gototopgototop
Arrimaha Diinta
Music: Pick a Song
Login Form



Home

Dadka reer SOOL, SANAAG iyo CAYN muddo intee le'eg bay ku ogaanayaan dhagarta iyo dibindaabyada TELESOM?

Su’aashan jawaabteed intaynaan u guda gelin bal aan is xasuusinno TELESOM waxay tahay iyo ficiladeeda.

TELESOM waa shirkad isgaadhsiineed oo bixisa adeegyada telefoonnada Mobileka, telefoonka caadiga ah ee xadhkaha ku habaysan, Internet-ka, codka (Voice) , iyo xog-tebinta (Data). Shirkaddan Waxaa lagu asaasay sannadkii 2001 magaalada Burco oo hoos timaadda maamulka qabiileedka la baxay ‘Somaliland’ ujeedadiisuna tahay in ay ka go’aan Somalia inteeda kale.

Inkastoo shirkadda n mulkigeeda ay sheegtaan shakhsiyaad gaar ah kuwaas oo si weyna u taabacsan gooni-isug-taagga, haddana siyaasadda ay u shaqayso waxaa haga maleeshiyada SNMta ee ka talisa Hargeysa.

Maamulka maleeshiyada SNMta ee ka talisa Hargeisa waxay u adeegsataa TELESOM ku fulinta siyaasadaheeda gurracan oo ay ka mid yihiin dagaal iyo burbur, dhul-boob iyo baro-kicin, cadaadis iyo cabudhin taas oo ay si joogto ah ugu hayso dadyawga ku nool Sool, Sanaag, iyo Cayn iyo gobollada kale ee Maakhir iyo Haylaan. Gobolladaas aan kor ku soo sheegnay waxa dega dad Soomaaliyeed aanse la hayb wadaag ahayn qawlaysatada SNM ee ka arrimisa Hargeisa.

TELESOM – iyo qaar kale oo la mid ah sida Xawaaladda DHIIG-SHIIL - waxay laf dhabar u tahay dilka, boobka, dhaca, iyo cabudhinta maleeshiyada SNMtu ku hayso gobollada SSC ,Maakhir iyo Haylaan.

Markaan dib u dheehanno falal dembiyeedadii ay hadda ka hor TELESOM ka gaysatay gobollada SSC Waxaa si cad u muuqanaysa in mar kasta oo SNMtu ku soo kala bixiso dagaal ama weerar gobollada aan kor ku soo tilmaannay in ay TELESOM dhammaanba iridaha u xidho ama damiso wax kasta oo isgaadhsiin ah oo ay ku leedahay gobollada SSC. Tallaabooyinkaasi waxay qayb ka yihiin dagaalka xaq darrada ah ee SNMtu ka waddo SSC, Maakhir, iyo Haylaan.

Qaar ka mid ah fal Dembiyeedadii TELESOM ka gaysatay goboollada SSC:

 

Waxaa la wada xasuusan yahay in TELESOM dhammaanba khadkii TELEFONNADA iyo Internetka goysay magaalada Laascaanood 28kii bishii Janaayo 2010 markaas oo ahayd goortii SNMtu bandowga ku soo rogtay magaalada la haysto ee Lascanood, dadka degaankana kula jirtey xadhig, dhac, masaafuris, iyo cagajuglayn. Sidaas si la mid ah waxay TELESOM degmada widhwidh dhammaanba ka xidhay khadkii isgaadhsiineed 21dii bishii May 2010 maalintaas oo ay dagaal ku qabsatay Widhwidh iyo Balli-Hadhac kuna xasuuqday dad shacab ah oo isugu jirey dumar, carruur, iyo waayeel aan aan wax dembi ah oo ay galabsadeen jirin. Iyadoo si daacadnimo leh u fulinaysa qorshaha ballaadhan ee SNMtu ka leedahay gobollada SSC waxay TELESOM mar kale dhammaanba khadadkii isgaarsiinta ka jartay magaalo-madaxda gobolka Cayn ee Buuhoodle bisha July 19keedii 2010ka dib markii dagaal xoog lihi dib uga qarxay gobolka, gaar ahaanna degmada widhwidh oo ka tirsan degmooyinka gobolka Cayn.

Dhammaanba arrimaha aan kor ku soo tilmaannay waxay inoo ifinayaan dhagarta iyo dibibdaabyada TELESOM ku hayso dadyawga ku nool Sool, Sanaag, iyo Cayn iyo kuwa walaalaheen ee Maakhir iyo Haylaan.

Haddaba maanta waxaa la soo gaadhay markii dadka reer SSC gebi ahaamba joojin lahaayeen adeegga TELESOM. Waxaa timid maalintii ay si dhab ah u fahmeen cadawga iyo nacabka reer Sool, Sanaag, iyo Cayn oo ah TELESOM. Waxaa la soo gaadhay maalintii SSC laga saari lahaa TELESOM oo ah qalab SNM si aan dhuumasho lahayn ugu adeegato dilka, dhaca, iyo cabudhinta dadweynaha Sool, Sanaag, iyo Cayn iyo qaar la mid ah.

Mar idage Allah ha dago, mar labaadse haddii uu idago …maxaad ka odhan lahayd?

Buhodle.net

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 Back
Google Search
WebBuhodle.net
World Greets SSC

Awdal Sate oo Hanaqaadday