gototopgototop
Arrimaha Diinta
Music: Pick a Song
Login Form



Home

Madax madan oo dalalka Islaamka maanta hoggaamiya baa waxay caado u noqotay  in ay u adeegaan dano shisheeye, qaar madaxdaas ka mid ahina ku kacaan ficilooyin  aakhiro iyo adduunba ku fool xun oo aanay cidna kala xishoon, kuna  dhibaateeyaan dadkooda iyo dalkooda.



Haddaba, waxaynu halkan ku soo tarjumaynaa maqaal uu qoray Wargeyska Dawn ee ka soo baxa carriga Pakistaan oo soo xigtay war uu sii daayey   mudane ka ka tirsan aqalka odayaasha (Senate) Maraykanka oo dhaliilay laba wajiilaynta madaxda Pakistan.

Mudanahan senate-ka Maraykanka oo magaciisa la yidhaahdo Carl Levin (waa nin yuhuud ah) ayaa wuxuu ku tirtirsiyey Pakistan inay si cad u muujiso mawqifka ay ka taagan tahay duqaynta ay wadaan diyaaradaha iskood isu wada ee lagu ugaadhsado laguna laayo dadka reer Pakistaan, gaar ahaan gobolka Waziristan.

Shir telefoonka ah oo lagu waraystay mudanahan isagoo joog Dubai ayaa wuxuu si kulul ugu canaantay uguna ceebeeyey  maamulayaasha Pakistan inay " marna annaga noo sheegaan inay raalli ka yihiin duqaynta  iyo dad laynta diyaaradahaasi ka wadaan Pakistan, marna ay caalamka u sheegaan in aanay arrintaas raalli ka ahayn, sidaa darteedna nagu cambaareeyaan."  Carl Levin wuxuu yidhi: "Aniga waxaa i shiddaynaya dayuuradahaas oo dad shacab duqaynayaa, dhibtaatana u geysanaya."

Isagoo arrintaas ku nuuxnuuxsanaya Karl Levin wuxuu intaas ku daray: "Madaxda Pakistan ma aha inay fahamsan yihiin oo keliya balse waxay raalli ka yihiin oo nagu taageersan yihiin in dayuuradahani falkaas duqaynta ah sii wadaan. Muddo fara badan bay si qarsoodi ah noogu dhiirri geliyeen in Maraykanku duwayntan sii wado.
Haddaba waxa ugu yar ee aannu hadda madaxda Pakistaan ka rabnaa inay joojiyaan dhaleecayntaas ay iyagu raalliga ka yihiin", ayaa sii raaciyey Mr. Levin.

Mudanahan oo ah madax guddiga golaha odayaasha Maraykanka u qaabilsan arrimaha ciidammada qalabka sida wuxuu mar kale yidhi: "Dhaleecaynta madaxda Pakistan nagu hayso waxay dadka reer Pakistaan ku beeraysaa nacayb iyo cadawtinnimo, dareen aar-gudasho, iyo aragti ah in aannu ku soo xad-gudubnay dalka Pakistaan. Balse ha la ogaado in madaxda Pakistaan nagu taageerto hawlaha dagaal ee aannu Pakistaan ka dhex wadno. Waa qalad inay adduunka si gooni ah wax u sheegaan, annagana si kale wax noogu sheegaan. Arrintaasna madaxda Pakistaan hortooda ayaan ka sheegay."

Dhaleecayntaas mid la mid ah waxaa u madaxda Pakistan u soo jeediyey sarkaalka sare ee ciidamada badda Maraykanka oo lagu magacaabo  Mike Mullen mar uu Congress-ka u warramayey hadda ka hor, isagoo yidhi:  " Pakistan ma oggolaan oo kaliya wax duqaynta diyaaradahan, runtii waxay nalag galeen heshii ah in sidoo kale aannu u soo gudbino siraha iyo warqabado kale oo aannu kula dagaallamayno Talibaank-a reer Pakistan."


Haddaba,   ma aha arrin gar ah in cid kale eedda iyo nacaybka dhabarka loo saaro mar haddii loo jeedu in hoggaamiyeyaal badan oo dalalka muslimka ahi ku taageersan yihiin kuwa dilka, burburinta, iyo boobka joogtada ah ku haya dadkooda aan waxba galabsan ee reer Pakistan, Afghanistan, Iraq, Yemen, Soomaaliya, iyo kuwo la mid ah.

 

 Back
Google Search
WebBuhodle.net
World Greets SSC

Awdal Sate oo Hanaqaadday