Taliyhii hawlgelinta booliska Laascaanood oo la dilay
Niman dabley ah oo aan la aqoon cid ay yihiin ayaa caawo fiidkii waxay toogasho ku dileen taliyihii hawl-galinta ciidanka booliska ee maamulka la magac baxay Somaliland ee xoogga ku haysta magaalada Laascaanood.
Ninkan oo la odhan jirey Suxufi Macallin Faarax ayaa waxaa dilkiisu dhacay ka dib mar uu ka soo baxay masjid uu ku tukanayey salaaddii cishaha.
Nimankan dableyda ah oo aan la aqoonsan cid ay ka tirsanaayeen waxaa tiradoodu ahayd 5 nin oo hubaysan, ka dibna markay rasaas oodda kaga qaadeen ninkaas ayay fakadeen, ilaa imminkana lama yaqaan meel ay u carareen iyo cid ay ka tirsanaayeen midna.
Isla waqti gaaban ka dib waxaa goobtii ninka lagu diley yimid ciidammo booliska ka tirsan oo maydkii meesha ka qaaday, waraysina la yeeshay dad ku dhawaa meesha sarkaalka lagu diley.
Magaalada la haysto ee Laascaanood ayaa baryahan dambe nabadgelyadeedu sii xumaanaysay, iyadoo toddobaadyadii u dambeeyey qaraxyo ka dhaceen, qaraxyadaas oo ahaa kuwo la sii qorsheeyey dadna ay ku dhinteen, qaar kalena ku dhaawacmeen.

