gototopgototop
Arrimaha Diinta
Music: Pick a Song
Login Form



Home

"Mar kaliya ayaa wax kastaa isla degeen...meel loo irkado ma jirto"

  Dhul gariir lagu qiyaasay 7.0 cabbirkiisa loo yaqaan Rickter Scale ayaa ku dhuftay shalay oo ahayd Salaasa dalka Haiti oo ku yaalla gasiiradaha Karibiyaanka dhacdana Qaaradda Woqooyiga America. Sida uu ku warraymay madaxweynaha dalkaas Rene Preval waxaa laga cabsi qabaa inay ku hoobteen dhul gariirkan in ka badan boqol kun oo qof. Dhul gariirkani wuxuu dhulka la simay magaalo-madaxda dalka Port-au-Prince

Wararku waxay sheegayaan in dadka masiibadan ku dhintay uu ka mid yahay madaxii UN u joogay dalkaas iyo baaderigii u weynaa Kiniisadda Kaatoliga ee Haiti oo magaciisa la odhan jirey Joseph Sege Miot.

Jimciyadda Laanqayrta Casi ee adduunku waxay ku soo warrantay in dhul gariirkani saameeyey malaayiin reer Haiti ah, waraysi lala yeeshay madaxweynaha dalkuna sheegay in kumanyaal dad ahi ahi dhinteen.

Isagoo ku tilmaamay wax aan la malayn karin  burburka iyo khasaaraha soo gaadhay casiimadda Port-au-Pince, madaxweyne Preval wuxuu sheegay in dhismayaasha dhulka la sinmay ay ku jiraan aqalkii baarlamanka, xafiiskii cashuuraha, dugsiyo, iyo cusbitaalladii.

Madaxweynuhu isagoo hadalkiisii  sii wata wuxuu sheegay in Hedi Anni oo Tuniisiya u dhashay ahaana madaxii ciidamada Jimciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa (UN)-ta uu ku geeriyooday ka dib markii dhismihii xaruntu UN-ku ku dumay.

Waxaa gurmad caalamiya ahi ka socdaa dhammaanba adduunka dacalladiisa si dalka Haiti masiibadaas looga gargaaro.
Madaxweynaha Maraykanka Baraack Obama ayaa ka sheegay aqalka cad ee Maraykanka in Haiti ay ula gurman doonaan gargaar degdeg ah oo isugu jirta cunta, dawooyin, iyo agab kale

Damaged presidential palace in HaitiDamaged presidential palace in Haiti
" Aqalkii baarlamanku waa dumay. Xafiiskii cashuuruhu waa dumayd. Dugsiyadii waxbarashadu waa dumeen. Cusbitaalladii waa dumeen"
- Madaxweyne Rene Preval
 Back
Google Search
WebBuhodle.net
World Greets SSC

Awdal Sate oo Hanaqaadday