gototopgototop
Arrimaha Diinta
Music: Pick a Song
Login Form



Home

Maalintii saddexaad ayaa dagaal weli ka socdaa xarunta gobolka Hiiraan magaalada Beled-weyne ay iskaga soo xor jeedaan ururada Ahlu sunna wa jamaaca iyo ururka ka soo horjeeda ee Xisbul Islam.

Sida wararku tebinayaa  waxaa inta laga war qabo ku geeriyootay 15 qof,  in ku dhaw 20 kalena way ku dhaawacmeen dagaalkii maanta ka dhacay gudha magaalada Beled-weyne.

Sida ay soo warisay Hiiraan Online dagaalkii maanta Beled-weyne ka dhacay ayaa ahaa midkii ugu xoogga badnaa ee dhawaanahan kooxaha ku hardimaya gacan ku haynta Beled-weyne, iyadoo dhinacyada ku dagaallamayaa isu adeegsanayaan hub culus iyo qoryaha boobayaasha. Sida wararka lagu helayo dadka  dhintay qaar ka mid ah ayaa madaafiic habaw ahi guryahooda ugu tagtay.

 Kooxaha dagaallamaya oo kala taageersan xoogagga Xisbul Islam iyo Ahlu Sunna ayaan qolan ku guulaysan ina tan kale ka maroorsato Beled-weyne, iyadoo labada dhinac isku hor fadhiyaan buundooyinka Liiq-liiqato io Buundo-weyn oo bariga iyo galbeedka magaalada ku yaal siday u soo kala horreeyaan.

Weriyaha ka soo warrama Beled-weyne Cabdiraxmaan Diini wuxuu soo tebiyey in dadweynaha qaarkood ka qaxeen magaalada, qaar kalena aanay ka soo bixin guryahooda iyagoo cabsi ka qaba in rasaasta la isweydaarsanayaa haleesho.

Dagaalkani wuxuu saamayn ku yeeshay isu socodkii dadka iyo dhaqdhaqaaqii ganacsiga iyo gaadiidka, waxaan irridaha loo laabay gebi ahaanba goobihii ganacsiga ee magaaalada Beled-weyn.

WIxii ku soo kordha dagaalka ka socda magaalada Beledweyne kala soco halkan haddii Alle idmo.

 

 Back
Google Search
WebBuhodle.net
World Greets SSC

Awdal Sate oo Hanaqaadday