Madaxweyne Faroole la kulmaya saraakiil Maraykan ah
Hadaba arintan qarsoodiga ah ayaa dadbadani waxay aamisanyahiin in saraakiishaa sar sare ee ka socota wadanka Maraykanka iyo madaxweyne Faroole ay ka wada hadli doonaan arimo ay ka mid yihiin xasilooni darada ka jirta koonfurta Soomaaliya iyo sidii looga hor tegi lahaa dhaqdhaqaaqa ba’an ee Al-Shabaab.
Kulanakan qarsoodiga ah ee ka dhacaya dalka Etoobiya ayaa inta la hubo waxaa Faroole ay isku soo horfadhiisanayaan saraakiil ka tirsan ciidamada Maraykanka iyo hayada sirdoonka ee CIA oo aad u danaynaya xaalada cakiran ee dalka Soomaaliya. Waxa kale oo aan la hubin in madaxweyna Faroole uu isna miiska geyn doono wax barbardhigma waxyaaba dowlada Maraykanku ka rabo maamulkiisa.
Dalka Maraykanka ayaa wadanka Soomaaliya u arka in uu saldhig u noqonaya kooxa sida ba’an ugu soo horjeeda dalkaas oo ay ka mid yahay ururka Alqacayda, iyo ururka ay gacan wadaag leeyihiin ee ka dagaalama koonfurta Soomaaliya ee Al-Shabaab.
Hadaba waxaa isweydiin lahe maxaa cusub ee dalka Maraykanku ku soo kordhinayaa marxaladan qasan ee dalka Soomaaliya oo maalinba maalinta ka danbaysa ka sii xumaanaysa. Waxaase hubaal ah in wadanka Maraykanku sanadkan cusub bilaabay waji cusub oo uu kula dhaqmayo wadanka Soomaaliya.
Buhodle.net

