Dagaal galabta ka qarxay aaga Sooljoogto
Dagaal aad u kulul ayaa maanta agagaarka sooljoogto ku dhex maray ciidamadda maamulka SNMte ee ku soo duulay degaamadaa iyo kuwa degaanka Buuhoodle oo ka soo jeeda maamulka Khaatumo State.
Dagaalkaa oo bilowday abaaro 3:00pm galabnimo ayaa sida wararka ugu horeeyaa cadaynayaa in ciidamada maamulka Soomaalidiidka ah ay kala kulmeen qasaare aad u badan oo aan la malayn karin lagaganna gubay gaadiid aad u badan intii iska hor imaadkaasi socday.
Ciidamada maamulka SNMta ayaa dagaalkaa soo qaaday kadib markii maanta ay magaalada Buuhoodle soo gaadheen xubnahii ugu sar sareeyey ee maamulka Khaatumo State oo ay weheliyaan kooxda fulinta maamulkan ee la magaca baxday G9.
Waxaana xiligan oo ah goor Makhribnimo ah gudaha mgaalada Buuhoodle laga maqlayaa gurxanka madaafiicda ka dhacaysa aag hore ee ay ka dagaalamayaan ciidamada maamulka Khaatumo State. Halka ay wararku intaa raacinayaan in ciidamadii maamulka Soomaalidiidka ah lagu sii foorarinayo degaano ka ag dhow magaalada Qurulugud oo ah meesha markii hore ay iska soo bahaysteen ciidamadaasi.
Wax waxyeelo ah oo dagaalkaa dhanka magaalada Buuhoodle ka soo gaadhay ayaa hada la xaqiijinayaa dhaawac hada la keenay Isbitaalka guud ee magaalada oo lagu tilmaamay in ay yihiin laba askari oo ka soo jeeda dhanka Buuhoodle.
Wararka ugu danbeeya ayaa intaa raacinaya in ciidamada maamulka SNMta laga hayo tiro aan weli la cayimin oo maxaabiis lagaga qabtay dagaalka weli ka socoda duleedka magaalada Sooljoogto.
Waxii war ah ee arintaa ka soo cusboonaadda waxaanu idiinku soo gudbin doonaa sida ugu dhakhsaha badan ee ay nagu soo gaadhaan hadaanu nahay bahadda shebekdeda Buhodle.net
Buhodle.net

