gototopgototop
Arrimaha Diinta
Music: Pick a Song
Login Form



Home

Fariintani waxayku socotaa dhamaan Masuuliyiinta loo doortay Maamulka Khaatumo State of Soomaaliya iyo dhamaan taageerayaasha gaar ahaan bulsho weynta SSC, guud ahaana bulshadda soomaaliyeed, waxaa lagama maar maan ah in qodobadan sida ugu dhakhsaha badan loo fuliyo, si maamulku u noqda mid guuleysta.

(1) Shirka Londonee bisha February 2012

Dhamaan masuuliyiinta loo doortay maamulka khaatumo iyo shacab weynaha SSC waxaa looga baahan yahay inay isku taxalujiyaan oo dadaal dheeraada u galaan sidii MaamulkaKhaatumo state loogu casumi lahaa shirkaas london ka dhacaya, hadiis hore xubnaha maamulka state loogu casumay waa arin fiican laakiin hadii aan la casumin amaba aysan ingiriiska ka helin wax invitation ah waa in geed dheer iyo geed gaaban loo fuulaa sidii maamulka khatumo state shirkaas loogu casumi lahaa, howshani masuuliyeeda ugu weyni waxay saaran tahay qurbo-joogta SSC ee ku dhaqan dalka Ingiriiska waayo dalkooda ayaa lagu qabayaa shirka.

(2) TaageeroDhaqaale

Maamulka Khaatumo waa maamul hadda socod barad ah wuxuuna u baahan yahay in dhinaca dhaqaalaha laga taageero 6-da bilood ee ugu horeeyo, si ay u qabsoomaan howlaha loo igmaday, maamuladda inagu xeeran dhaqaalaha inta badan waxay ka helaan (1)Dekadaha, (2) garoomadda diyaaradaha iyo (3) xoolaha nool oo ay dhoofiyaan,haddaba waxaad moodaa in labadda qodob ee ugu horeeyaa aysan hadda inoo diyaarahayn, si looga kaaftoomo waa in badalkeeda la helaa dhaqaale joogta ah ooqurbo joogtu ugu tabarucayaan si joogta ah, oo qof waliba wuxuu heli karayo amaiska goyn karayo bishii loogu shubaa Account uu yeelanayo Maamulku 6-da biloodee ugu horeysa.

(3) TaageeroSiyaasadeed

Si maamulka khaatumo u hirgalo waa in heshiis xulufeysi ah lala galaa beelaha kale ee Hartisida Warsangaliga, Dashiishaha iyo Ogoslabe lagu soo daraa maamulka khaatumo  u noqdo maamul salbalaadhan, oo beelo badani ka dhexmuuqdaan, taasi waxay sifudud u sahli kartaa inaynu si dhakhso ah indhaha beesha caalamka u soojiidano, sidoo kale waa in siyaasadda maamulka khaatumo laga dhaadhiciyaa beesha caalamka ugu horeyn dowladaha IGAD gaar ahaan kuwa aynu deriska nahaysida Djabouti, Itoobiya iyo Kenya.

Waan arkayaa in taageerayaashu ku mashquulsan yihiin qabsoomida xaflo loogu dabaal dagaya, waa arin fiican, balse waxaa lagama maarmaan ah in cagta laga wado oo lays garabtaago ka midho dhalinta maamulka cusub.

 

 

Mohamed Jama -Adiss Abab

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 Back
Google Search
WebBuhodle.net
World Greets SSC

Awdal Sate oo Hanaqaadday