gototopgototop
Arrimaha Diinta
Music: Pick a Song
Login Form



Home

Dagaal aad u kulul oo maanta dhex maray ciidamadda maamulka SNMta iyo dadka ku dhaqan magaalada Laascaanood ayaa qasaarahiisii dhimasho iyo dhaawacba sida lagu soo waramayo marba marka ka sii danbaysa sii kordhaya.

Wararka ugu danbeeyey ee aanu ka helayno gudaha magaalada Laascaanood ayaa cadaynaya in dagaalkaa ay ku dhinteen dad shacab ah oo shan ruux halka dhaawac lagu tilmaamay in ka badan 18 ruux.  Dhaawac iyo dhimashaduna waxaa dad badani aaminsanyahiin in labaduba intaa ka badanyahiin.

Dhanka kale dadka magaalada ku dhaqan ayaa sida la xaqiijinayo weerar ku qaaday shirkada asal ahaan ka soo jeeda maamulka SNMta ee lagu magacaabo Telesom oo sida lagu soo waramayo dadka ku dhaqan magaalada ka goysay adeegii Teleefonada markii dagaalkaasi bilowday.

Shirkada Telesom ayaa caado ka dhigatay markasta oo maamulka SNMta lagu khatar geliyo degaanada goboladda SSC in ay adeega isgaashsiinta gebi ahaanba hawadda ka saarto si xidhiidhka dadweynahu aanu halkaa uga sii socon.

Waxaa kale oo iyana maanta magaalada Laascaanood sida wararku raacinayaan lagu weeraray shirkadda Dhiigshiil oo iyana si aad u balaadhan u taageerta maamulka Soomaalidiidka ah ee ka taliya magaalada Hargeysa.

Waxii ka soo kordha dhaqdhaqaaqa iyo dagaalada ka socoda gudaha magaalada Laascaanood waxaanu idiinku soo gudbin doonaa sida ugu dhakhsaha badan ee ay nagu soo gaadhaan.

 

 

Buhodle.net

 Back
Google Search
WebBuhodle.net
World Greets SSC

Awdal Sate oo Hanaqaadday