Laascaanood oo maanta qasan xabado aad u balaadhanina dhexdeedda ka dhacayaan
Magaalada Laascaanood ayaa sida lagu soo waramayo waxaa ka socoda banaanbax aad u balaadhan oo lagaga soo horjeedo maamulka Siilanyo kadib markii maamulkaasi magaalada gudaheedda keeneen Dumar aad u badan oo laga soo daabulay magaalada Burco oo ay horkacayso naagta uu qobo ninka maamulkaa haysta ee lagu magacaabo Siilanyo si maamulka Soomaalidiidka ah looga taageero gudaha magaalada Laascaanood.
Kadib markii arintaa ay ka war heleen dadka ku dhaqan magaalada Laascaanood waxay isugu soo baxeen badhtamaha magaalada iyaga oo si aan qarsoodi u ku jirin u taageeraya maamulka Khaatumo State, canbaraynayana maamulka SNMta.
Magaalada gudaheedda ayaa hada waxaa laga maqlayaa rasaas aad badan oo la iskaga ridayo iyo ciidamada SNMta oo maatadda ku ridayo qoryo waaweyn oo ay ka soo celiyeen jiidahii ay hore keeb la yuururka ka ahaayeen.
Sida hada la xaqiijinayo waxaa magaalada gudaheedda ciidamada SNMtu ku dileen inta la hubo hal ruux halka ay ku dhaawaceen dhowr qof oo shicib ah.
Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa ah hadda mid aad u kacsan lana saadaalin karin waxa ay ku danbaynayso. Dumarkii laga soo ururiyey magaalooyinka maamulka SNMta ayaa hada laga saaray gudaha magaaladda kuna urursan oo lagu ilaalinayaa Hotelka Xamdi halkaas oo ciidamadda maamulka Soomaalidiidka ahi ku gadaamanyahiin.
Buhodle.net

