Debed baxa ka socodda Buuhoodle
Magaalada Buuhoodle ayaa waxaa saaka subaxnimadii hore ka bilowday banaanbax aad u balaadhan oo lagaga soo horjeedo hadalo uu saka warkii subaxnimo ka sii daayey hogaamiyahii hore ee SSC Mudane Saleebaan Ciise Axmed Kaar oo si kulul ugaga soo horjeestay shirkii goboladda SSC ku magacwdeen maamulka cusub ee la magac baxay Khaatumo State of Somalia.
Hogaamiyahii hore oo shirkaa si toos ah uga qayb galay ilaa hadana aan la garanayn waxa uu qoonsaday ayaa shirkaa Khaatumo II ku tilmaamay mid lagu afduubay dadkii halkaa isugu tegay waa sida uu hadalka u dhigaye.
Hogaamiyahii hore ee maamulka SSC ayaa hadalkiisu ku noqday dadka dega goboladda SSC mid aad loola yaabay, laguna tilmaamay mid aan maanta la filaynin aadna dadka ku dhaqan magaalada Buuhoodle uga dhiidhiyeen.
Masuulkaa maanta buurta iska laalaadiyey oo isku dayey in uu banaanbaxaa ka soo qayb galo oo fikirkiisa ka dhiibto ayaa dadkii halkaa isugu yimid ku bilaabeen gacan ka hadal lagunna sigay masuulkaa iyada oo dadka badankiisu ay ku dhawaaqaynee ereyooyin xun xun oo ay ku weerarayaan hogaamiyahii hore.
Waxaa kale oo xusuus mudan in hogaamiyahii hore ee SSC mudane Saleebaan Ciise Axme uu hore uga cudur daartay ka qayb galka shirka Khaatumo, markii shirkaa la bilaabayna uu si deg deg ah ugu kacay oo ka qayb galay si aad u fiicanna loogu soo dhaweeyey. Hadda markii shirkii dhamaaday isaga oo ku qanacsanna uu ka yimid uu dib u bilaabay in uu shirkaa dhaleeceeyo.
Hadaba dadka ku dhaqan magaalada Buuhoodle ayaa waxaa ay isla dhex marayaan cidda Mooraadda iyo Faalka la daba socota masuulkii hore ee hogaankii SSC madaaba hadaladiisu ay isu burinayaan todobaad todobaad. Dadka kooxo ka mid ahina ay ku tilmaameen in masuulka wax ku soo kordheen oo aanu sidiisii hore ahayn.
Buhodle.net

