Madaxdii Khaatumo State oo maanta la magacaabay
Waxaa maanta magaalada taariikhiga ah ee Taleex lagaga dhawaaqay dhamaan madaxyadii horkaci lahaa maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Khaatumo. Waxaa maanta ugu horeyntii lagaga dhawaaqay madaxweynayaasha sadexdda ah oo si meerto ah xukunka u wadda hayn doona magacayadooduna waa sidan hoos ku xusan.
1. Axmed Cilmi Cismaan Ahmed Karaash
2. Maxamed Yuusuf Jaamac Indha Sheel
3. Cabdinuur Cilmi Qaaje
Waxaa lagu xejiyey dhamaanba golaha wasiiradda ee maamulka Khaatumo State of Somalia oo iyana magacayadoodu sidan hoos ku xusan yihiin.
1. Xuseen Saleebaan Dabey Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Caalamiga ah iyo Jaaliyadda
2. Col. Maxamed Ducaale Wasiirka Wasaaradda Aminga Qaranka
3. Cismaan Axmed Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
4. Cabdikariin Faarax Dhaaye Wasiirka Wasaaradda Horumarinta iyo Khayraadka Dabiiciga ah
5. Maxamuud Diiriye Wasiirka Wasaaradda Arimaha Bulshadda
6. Yasiin Axmed Sulub Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha
Dhamaadkii magacaabista golha Wasiirada ayaa iyanna waxaa lagu xejiyey tiradda golaha wakiilada ee maamulka Khaatumo State of Somalia yeelan doono iyo sida lagu soo xuli doono ama meelaha ay ka imaan doonaan.
1. 27 waxa ay imaanayaa Saddex Meeleedkii Dhulbahante ( Gudaha)
2 .9 waxa ay ka imaanaya Saddex Meeleedkii Dhulbahante ( Jaaliyadaha)
3. 6 waa hablaha Khaatumo ( 3 gudaha iyo 3 dibadda0
4. 3 beesha Fiqishini
5.2 beesha Gabooye
Maamulkan iyo magacaabista masuuliyiinta maanta lagu dhawaaqay ayaa si aad u diiran looga soo dhaweeyey dhamaanba goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn iyo gobolo kale oo jecel midnimadda umadda Soomaaliyeed.
Buhodle.net

