HEEGAALE: DAAWO DACALLADA
Heegaale - Nature's Beauty manifested from ilearn on Vimeo.
|
Heegaale waa magaalo ka tirsan killiga 5aad ama gobolka Soomaalida Ethiopia. Waa degaannada killiga 5aad ee ay degaan dadka ka soo jeeda Sool, Sanaag, iyo Cayn. Heegaale waxay qiyaastii u jirtaa 47 km oo kaga beegan dhanka koonfureed magaalo-madaxda Buhodle ee gobolka Cay, Soomaaliya. Heegaale waa magaalo si weyn u kobcaysa lehna degaan nolosha aad ugu fiican. Waxay ku taalla dhul hodan ku ah daaqsinta xoolaha la dhaqdo. Waa meel bilicdeeu aad kuu soo jiidanayso. Waxay leedahay balli weyn ama haro biyo qabatin leh, dadka iyo duunayaduna ka cabbaan xilliyada roobka iyo jiilaalkaba. Muuqaalka dabiiciga ah ee Heegaale wuxuu isugu dhafan yahay dhul siman oo carro gaduud ah geed-hoosaadkuna ku badan yahay iyo dhanka kale oo ah dhul taagsin sare ah. Waxaa Hadhaysa ama ku soo foorarta magaalada Heegaale buurta lagu magacaabo Dahabo oo ku daboolan dhir iyo geedo cagaaran. Heegaale waxay ka mid tahay degaammada far ku tiriska ah ee killiga 5aad ee horumarku sida xawliga ah uga socdo. Waxay dhawaan dawladda Ethiopia oo la kaashanaysa hay'adaha macaawinada iyo dawladaha gargaarka bixiya ka dhistay Heegaale dhawr mashruuc oo si weyn wax uga tiri kara nolosha iyo dhaqaalaha dadka degaanka ku nool. Mashaariicdaas waxaa ka mid ah Dugsiyo, biyo gelin, iyo goobo caafimaad. Kan ugu weyn mashaariicdaas ayaa ah cusbitaal weyn oo casri ah oo ay dalka Japan ka hirgelinayso. Cusbitaalka oo dhismihiisu hadda dhammaad ku dhaw yahay waxaa loogu talogalay in uu xagga daryeelka caafimaadka ka daboolo Heegaale iyo degaanno fara badan oo ku xeeran kana tirsan killiga 5aad ee Ethiopia. Haddaba waxaannu halkan idiinku soo bandhigaynaa sawirro uu ka soo qaaday Heegaaale weriye Axmed Maxamuud Doolaal oo Buhodle.net uga soowarrama deegaannada hawdka ama killiga 5aad mar uu booqasho gaaban dhawaan ku tegay Heegaale . Daawasho wacan |

BILICDA HEEGAALE